Daawo: Feer iyo gacan ka hadal dhex maray xildhibaanada baarlamanka…

Nairobi (Caasimada Online) – Waxaa dagaal gacan ka hadal ah uu dhexmaray Baarlamaanka dalka Koonfur Afrika, iyadoo kalfadhiga baarlamaanka uu kusoo idlaaday buuq iyo gacan ka hadal.

Buuqa iyo gacan ka hadalka baarlamaanka ayaa yimid kadib markii xildhibaanada Mucaaridka ah ay qaadaceen misna diideen in Golayaasha ay khudbad u jeediyaan Madaxweynaha dalkaasi Jacob Zuma oo waayadaani lagu dhagnaa.

Buuqa ayaa xoogeystay kadib markii Madaxweyne Zuma uu dalbaday inuu dhameystirto khudbadiisa, waxaana buuqaasi kiciyay Xildhibaanada Xisbiga Economic Freedom Fighters EFF ee lagu sifeeyo inay yihiin kuwo xagjiriin ah.

Xildhibaanada Xisbiga EFF ee ka hor imaaday khudbada, ayaa Madaxweyne Jacob Zuma ku tilmaamay inuu yahay Madaxweyne fashilmay isla markaana hanawaayay waajibaadka Qaranka.

Buuq iyo sawaxan saacado qaatay kadib ayaa waxaa Xildhibaanada Xarunta Baarlamaanka ka saaray illaalada Baarlamaanka oo diiday in kulanka uu sii socdo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com