Dhageyso wareysi: Farmaajo “Doorashadeyda waxay muujisay hal arrin”

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha cusub ee Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa wareysi uu siiyey VOA-da kaga hadlay arrimo badan oo ku saabsan xaaladda dalka Soomaaliya.

Farmaajo ayaa wareysiga uu siiyey VOA, waxa uu ku sheegay in sida dadka Soomaaliyeed ay usoo wada dhoweeyeen doorashadiisa ay muujineyso in dadka yihiin dad is-jecel, balse siyaasado yar oo is-diidan lagu kala fogeeyey.

Farmaajo ayaa sheegay inuu filayo inaysan isku dhicin ra’iisul wasaaraha uu soo magacaabayo, sababtuna ay tahay isaga oo aan lahayn wax dan shaqsi ah, oo uu doonayo kaliya danta guud.

Waxaa uu sidoo kale wareysiga kaga hadlay qorshihiisa boqolka maalmood, isaga oo sheegay inuu ilaalin doono amaanada ay dadka shacabka Soomaaliyeed ah u dhiibteen.

Halkan hoose ka dhageyso wareysiga oo dhan

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com