Guusha Farmaajo kadib qiimaha shilin Soomaaliga oo sare kacay

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho iyo qaar badan oo kamid ah gobolada dalka ayaa waxaa laga dareemayaa inuu awood yeeshay Shillinka Soomaaliga isla markaasna uu hoos u dhac yimid Doolarka maalmo kadib doorashadii Farmaajo.

Hoos u dhacaan ku yimid doolarka iyo sharafta cusub ee usoo hoyatay shillinka Soomaaliga ah ayaa ka dambeysay markii siyaasadda dalka ay is badashay isla markaasna laga yaabo in magaalada lasoo geliyo Dollar badan maadaama Farmaajo uu u ballan qaaday shaqaalaha dowladda in la siin doono mushaarkii ay dowladda ku lahaayeen.

Wararka aan heleyno ayaa sheegayo in halkii Dollar ee Mareekanka lagu sarifayo inta u dhaxeyso 18000 kun oo Shillin Soomaaliya ilaa 16000 Kun Shillin.

Dowladda Soomaaliya ayaa looga fadhiyaa wixii markaan ka dambeeyo inay ganacsatada ku amarto inay hoos u dhigaan sicirka raashinka maadama shillinkii Soomaaliga uu soo awood batay.

Intii aan la dooran Madaxweyne Farmaajo safarka halkii Dollar wuxuu ahaa ilaa 23000 Kun oo Shillin Soomaali wuxuu sameeyey hoos u dhac 5-7 Shillin.

Shacabka Soomaaliya ayaa dareemi doono farxad weyn markii la isku jaangooyo qiimaha raashinka iyo sarifka maadaama ay dhibaato tahay inuu shillinka hoos u dhaco isla markaasna raashinka ay qaali ahaadaan sidii hore.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com