XIL ka qaadis maanta lagu sammeeyay gudoomiyihii golaha fulinta Ahlu-Suna

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaarayo dhanka Ururka Ahlusuna Waljameeca, ayaa sheegaya in Ururka uu xil ka qaadis ku sameeyay Gudoomiyihii Golaha Fulinta Maamulkaasi Sheikh C/risaaq Al-ashacari .

Xil ka qaadista Mas’uulkaani ayaa imaaday kadib kulan ay isugu imaadeen dhammaan Mas’uuliyiinta Maamulka Ahlusunna ee Gobolada Dhexe, iyadoo inta uu kulanka socday halkaasi looga dhawaaqay in xilka looga qaaday Sheikh C/risaaq Al-ashacari .

Kulanka kadib ayaa waxaa goobta uu kulanka ka dhacay Saxaafada kula hadlay Sheekh Cumar C/qaadir oo ah Gudoomiyaha Golaha Talada Ahlusunna waxa uuna sheegay in sababta Xilka looga qaaday Al-ashcari ay tahay in Waqtigii uu ka dhacamada sidaa daraadeedna Xilkii laga qaaday.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in Xilka qaadista lagu sameeyay Gudoomiyihii Golaha Fulinta aysan keenin Khilaaf u dhexeeya Ahlusunnada Gobolada dhexe, balse ay tahay mid ku qeexan Nidaamka Ururka, sida uu hadalka u dhigay.

Dhanka kale, waxa uu sheegay Sheekh Cumar C/qaadir in xubintaasi ay u magacaabeen Maxamed Axmed Faarax oo hada noqday Gudoomiyaha Golaha Fulinta Ahlusunna Waljameeca.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada @live.com