Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta Magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka ka dhacay kulamo kala duwan oo u dhexeeya Mas’uuliyiin ka tirsan DF Somalia iyo Siyaasiyiin madaxbanaan, kaasi oo ay uga arinsanayeen dadajinta Xukuumada la filaayo inuu dhawaan ku dhawaaqi doono Ra’isul wasaare Cumar Cabdirashiid.
Kulamada ayaa loogu dalbaday Ra’iisulwasaare Cumar Cabdirashiid in si cadaalad ay ku dhisan tahay uu ku soo Magacabo Gole Wasiiro oo ay ku qancaan Ummada Soomaaliyed, iyadoona looga digay inuu noqdo mid dhinac u raran.
Sidoo kale, mas’uuliyiinta ayaa sheegay in Dalka Somalia uu u baahan yahay Xukuumad Caadil ah islamarkaana ka hanaqaada halka ay iminka taagan tahay, waxa ayna carabka ku dhufteen in R/W CCC looga fadhiyo inuu la imaado Gole ka duwan golayaashii hore ee lagu eedeyn jiray Khilaafka.
Isloow Maxamed oo ka mid ah waxgaradkii kulamadaan ka qeyb galay ayaa sheegay in Ra’iisul wasaaraha loo jeedinaayo oo kaliya baaqa ah in dalkaan marxaladda uu ku jiro laga bixiyo, soona magacaabo dad kaalin arintaasi ka qaadan karo.
Siyaasiin Magac ku leh Bulshada Soomaaliyeed ayaa xilligaan aad u daneynaya inay kasoo dhex muuqdaan golaha wasiirada cusub ee la filayo in Ra’iisul wasaare Cuimar soo magacaabo.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho

