25.9 C
Mogadishu
Thursday, June 12, 2025

Mahad Salaad oo weerar ku qaaday madaxweyne Farmaajo iyo dowladda

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad oo ka mid ah Xildhibaanada BFS ee miisaanka ku dhex leh Siyaasada dalka, ayaa si adag uga hadlay Siyaasada ay dheeleyso dowlada Somalia ee uu Hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo.

Xildhibaanka oo si kooban uga hadlay dhaliishiisa ku aadan siyaasada Hogaanka ugu sareeya dalka ayaa waxa uu ku bayaaniyay qoraal kooban oo uu kusoo daabacay Barta uu ku leeyahay Facebook.

Waxa uu qoraalka ku sheegay in dowlada Federaalka ay ku fashilantay hogaanka dalka, waxa uuna gaar ahaan farta ku goday Madaxweynaha, sida ku cad qoraalkiisa.

Waxa uu Xildhibaanka qoraalka ku cadeeyay in Golaha Shacabka looga baahan yahay inay ka tashadaan madaxda dalka oo uu ula jeedo in ay kalsoonida kala laabtaan.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA XILDHIBAANKA

- Advertisement -

Read more

Local News