Xildhibaa Saabir oo Xeer ilaaliyaha qaranka u diray fariin kulul

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdisaabir Nuur Shuuriye, oo kamid ah mudanayaasha baarlamanaka Somalia, ayaa si kulul uga jawaabay eedeynta Xeer-ilaaliyaha qaranka ee la xiriirtay qaran dumis.

Xildhibaanka ayaa sheegay inaanu jirin wax la yiraahdo Qaran dumis balse eraygaasi ay kula xisaabtami doonaan Xeer ilaaliyaha Qaranka oo uu sheegay inuu ku fududaaday.

Xildhibaan Cabdisaabir, waxa uu sheegay in Xeer ilaaliyaha uu u muuqdo mid aanba fahamsaneen micnaha eragya, isaga oo yiri “Sida aan ka fiirsashada laheyn, xad-gudubka ahaa uu xeer ilaalilaha igu soo eedeeyay  in ay galeen qaran dumis, qaran dumis in afka laga yiraahdo waa sahlan tahay, laakin waxaa filaa in aanu xeer ilaaliyuhu fahmin waxa uu qaran dumis uu yahay’’

‘’Waxaan si sharci ah ugula xisabtami doonaa eraygaas maadaama uusan aqoonsan waxa uu yahay iyo dhibaatada ka dhalankarta haddii lagu fududaado’’

‘’Waxaan rumeysanahay in qof kasta oo waxgarad ah uu  dareemi karo in qaran dumis aanu dalkani ka jirin, balse ay ka jiraan Kooxo kasoo horjeeda khaladaadka dowlada’’

Xildhibaan Saabir waxaa uu sheegay in ujeedka arrintaas laga lahaa ay aheyd sharaf dil balse ay dhicisowday, Xeer ilaaliyahana ay sharciga ku kala bixi-doonaan.

Waxa uu yiri Xildhibaanka “Nin Xildhibaan ah, oo subax walbo u shaqo tago golaha shacabka oo shaqadiisa wata, sheegta afkaartiisa xorta ah in lagu tilmaamo qaran dumis taasi waxaa ay ila tahay xad-gudub, waxaana sharaf ah  in guddoonka baarlamaanka ay jawaab iyo faah-faahin ka bixiyeen, waana uga mahadcelineysaa”.

Sidoo kale, Xildhibaan Cabdisaabir ayaa cod dheer ku sheegay in aanu ogolaan-doonin caburis, isla markaana ay sii wadayaan isla xisaabtanka, si buu yiri xal looga gaaro tuhunada jira.

Haddalka Xildhibaan Saabir ayaa u muuqanaaya mid lagu cabsi galinaaya Xeer ilaaliyaha Qaranka oo weli dultaagan tuhunka Xildhibaan Saabir iyo Xasan Macalin.

Dhinaca kale, Xeer ilaaliyaha ayuu ugu baaqay inuu u diyaar garoobow isla xisaabtan iyo inuu cadeymo u keeno inay yihiin Xildhibaano Qaran dumis ah oo kasoo horjeeda dhismaha Qaranka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com