Sawirro: Doorashada ururka haweenka oo ka dhex dhacday Aqalka Sare

Xaflad aad loo soo agaasimay laguna dhisayay Ururka Haweenka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Golaha Aqalka Sare ayaa lagu qabtay maanta Xarunta Golaha Aqalka Sare.

Ururkan oo ah Urur Mideeya haweenka Baarlamaanka kana shaqeeya danahooda iyo isku xirnaantooda ayaa xubina firfircoon ka noqonaya Baarlamaanka Haweenka ee Caalamka.

Xafladdan waxaa kasoo qayb galay Senatarada Aqalka,Wasiirka Haweenka iyo Xuquul Insaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Marwo Deqa Yasin, Midowga Haweenka Gobolka Banaadir, Xoghayaha Guud iyo Guddoomiyaasha Haweenka ee Gobolka Banaadir,Madax ka socotay Hay’adda Hormarinta ee UNDP, Bulshada Rayidka iyo Marti sharaf kale.

Guddoomiyaha Ururka Haweenka waxaa loo doortay Senator Shukri Adam Maxamed oo hogaamin doonta Ururkan,Guddoomiye ku xingeenadana waxa loo kala dortay Senator Deqa Xasan iyo Senator Samsam Ibrahim Ali , halka Xoghayaha Guudna loo doortay Senator Samsam Dahir Maxamuud,iyo Khasnaji oo loo dortay Senator Fartun Cabdulqadir Faarax.

Wasiirka Haweenka ayaa u Hambalyeeysay Guddoomiyaha la doortay, dardaaran guudna siiyay dhamaan xubanha Ururka iyadoo Balan qaaday in ay iska kaashan doonaan arrimahan haweenka iyo hormarintooda.

Nahiida Xuseen oo ku Hadlaysay Magaca UNDP ayaa balan qaaday in wadashaqayn dhow la yeelan doonto Hogaanka Ururkan Mideeynaya Haweenka Baarlamaanka ,waxayna balanqaaday taageero dhan walba ah.

Fanaanadda Caanka ee Soomaaliyeed Hibo Maxamed (Hibo Nuura) ayaa tix yar oo dardaaran ah oo qiirana ku dheehantahay ka jeedisay Xafladdii maanta.