Maxaad ka taqaan Xildhibaan C/Saabir Shuuriye.? (Qasnajiga Qorshaha Imaaraadka ee Mooshinka Farmaajo)

Muqdisho (Caasimadda Online) – Inkastoo uu hore u ahaa ganacsato, isla markaana aanu ka mid ahayd siyaasiyiinta firfircoon ee xildhibaannada Baarlamaanka federaalka Soomaaliya, waxaa haddana mar qura magaciisa baahiyey xeer ilaalinta Qaranka.

C/saabir Nuur Shuuriye waxay dad badan maqleen oo qura markii lagu soo eedeeyay inuu qeyb ka ahaa kiis qarandumis lagu soo eedeeyay isaga iyo xildhibaan kale oo xeer ilaalinta ay dalbaday in xasaanada laga qaado si dacwad loogu soo oogo kadib markii ay ku lug yeesheen inay dal shisheeye danihiisa u shaqeeyaan.

Shabakadda Caasimadda Online ayaa ogaatay in eedaha ay xeer ilaalinta u heysato xildhibaankan iyo qaar ka mida caddeymaha laga hayo ay muujinayaan inuu ahaa qasnajiga kooxda isku baheysatay inay mooshin ka dhan ah madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo abaabulaan, waxaana kooxdan ay lacag ka heleen Imaaraadka.

Kharashka la bixiyey iyo laaluushka la siiyay xildhibaannada saxiixay mooshinka ayaa intiisa badan soo maray xisaab uu leeyahay Xildhibaan C/saabir Nuur Shuuriye, waxaana uu ahaa qofka qeybiya lacagta, isagoo xilliga ay xeer ilaalinta ku soo oogtay dacwadda u sugnaa Imaaraadka.

Xildhibaankan mar uu shalay hadlay ayuu weerar culus ku qaaday madaxweyne Farmaajo isagoo ku eedeeyay inuu lacag siiyay xildhibaannada qaarkood, taasoo mar kale muujisay inuu ku lug leeyahay lacag uu ka helay dowlad shisheeye si loo dumiyo dowladda Somalia.

Inkastoo codsiga xeer ilaaliyaha Qaranka u gudbiyey Guddoonka Baarlamaanka ay caqabado heystaan, isla markaana xildhibaano badan ay ka cabsi qabaan in haddii dacwadan la dhaqaajiyo ay halis geliso kuraastooda ayaa haddana caddeymaha kiiskan ee soo baxaya waxay yihiin kuwo sii xoogeysanaya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com