Muxuu ahaa Itoobiyaankii kasoo dhex muuqday muuqaalkii ay soo duubtay Daacishta Somalia?

Garoowe (Caasimadda Online) –Ururka Daacish qeybtiisa Buuraha Galgala ee Bariga Somaliya ayaa soo duubay muuqaal ay ku hanjabayaan in ay weerari doonaan goobaha dadweynaha iyo dowladda ee Degaannada Maamulka Puntland.

Saddex Qof oo midi Soomaali yahay labana ajaanibyihiin ayaa ka muuqda Muuqaalkan oo ay ku sheegayaan in ay kordhinayaan weerarrada ay ka fuliyaan Soomaaliya.

Mid ka mid ah labada Ajaanibta ah ee muuqaalkan ku jira waxaa uu ka soo jeedaa Dalka Itoobiya,waxaana lagu magacaabaa  Abuu Zubeyr Al-Xabashi.

Daacish waxaa ay sheegeysaa in ay kordhineyso howlgallada ay ka fuliso Gobollada Puntland,islamarkaana ay beegsan doonto meelaha muhiimka ah sida meelaha ay dadka isugu soo baxaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com