Somaliland oo war cad kasoo saartay hanjabaaddii Xuutiyiinta Yemen

Hargeysa (Caasimadda Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, Sacad Cali Shire ayaa ka hadlay muuqaal ay dhowaan soo duubeen rag sheegaya iney ka tirsan yihiin Xuutiyiinta Yemen, islamarkaana ku hanjabay in gantaalo ku dhufan doonaan magaalada Hargeysa iyo deegaanno kale.

Wasiirka ayaa sheegay in aanu jirin war rasmi ah oo kasoo gaaray xuutiyiinta Yemen, balse wax walbo oo yimaada markaas un ay jawaab ka bixin doonaan.

Sacad Cali Shire ayaa sheegay in muuqaaladaas ay ka arkeen baraha bulshada, balse aanay jirin war rasmi ah oo ka soo gaaray Xuutiyiinya, isagoo xusay in heshiiskii ay la galeen Imaaraadka Carabta ay ogaayeen in wax walba ka imaan karaan.

Waxaa uu sheegay in heshiiskii Imaaraadka Carabta lagula galay inay saldhig Milateri ka sameystaan Garoonka Berbera uu ahaa mid ay ansixiyeen Golaha Wasiirada, Golaha Wakiilada, isla markaana uu saxiixay Madaxweynaha, waxaa uu xusay in heshiiska sidiisa u taagan yahay oo aanay ka noqon.

Sacad ayaa sheegay in markii ay Imaaraadka u ogolaanayeen dhismaha saldhigga ciidan ee Berbera ay ka war hayeen in waxyaabo badan imaan karaan.

“Wax qoraal oo rasmi ah oo naga soo gaaray Xuutiyiinta oo arrinkaa ku saabsan Ma jiro, markii hore ee aynu arrinkaa galnay iney waxyaabo badan dhici karaan weynu ogsooneyn, innagu dan baan u galnay dantiina weli wey taagan tahay” ayuu yiri Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com