Maxkamadda racfaanka oo maanta dhageysatay dacwad ka dhan ah CC Shakuur

Muqdisho (Caasimadda Online) – Maxkamadda Racfaanka Gobalka Banaadir ayaa maanta dhageysatay Eedeymaha loo heesto Siyaasiga C/raxmaan C/Shakuur Warasme oo ay soo diyaariyeen Xeer-ilaalinta Qaranka.

Dacwad oogayaasha oo ku balansanaa maanta in ay Maxkamadda Racfaanka hor geeyaan Cadeymo la xariira Dambiyada lagu soo oogay C/raxmaan ayaa la sheegay in ay Maxkamadda tagayn Islamarkaana ay soo gudbiyeen wixii warbixin ah oo ku aadan Kiiskaan.

Dhinaca kale C/raxmaan C/Shakuur Warsame ayaa maanta ka maqnaa Maxkamadda oo laga sugayay waxa uuna soo dirsaday Qareenkiisa Abukaate Tahliil Xaaji.

Maxkamadda ayaa dib u celisay Qareenka C/raxmaan C/shakuur oo ay sheegtay in Abuukaate Tahliil Xaaji uusan wadan Warqad wakiilasho ah oo ka timid eedeysane C/raxmaan C/Shakuur Warsame fasax la’aantiisna uusan Difaaci Karin.

Maqnaanshiyaha iyo Wakiilasho la’aanta C/raxmaan C/Shakuur Warsame ayaa si rasmi ah loo ogeyn, balse wararka ay baahisay Idaacadda Kulmiye ee Magaalada Muqdischo ayaa sheegaya in uusan ku qanacsaneen arintaan maadaama ay Maxkamadda G/Banaadir hore u sheegtay in aysan Xeer-ilaalinta Qaranka qaadan Karin Racfaan.

Arintaan ayaa muujineysa Khilaaf u dhaxeeya Maxkamadaha Gobalka Banaadir maadaama ay hore Maxkamadda G/Banaadir u sheegtay in aan wax racfaan ah laga qaadan Karin Kiiska C/raxmaan oo ay soo afjartay, hadane ay Maxkamadda Racfaanka dib u bilaawday arintaan.

Dadka Sharci yaqaanada ah ayaa sheegaya in Maxkamadda G/Banaadir ay ku qaldaneed go’aankii ahaa in Racfaan laga qaadan Karin Dacwadda Siyaasi C/raxmaan C/shakuur Warsame.

Sharci yaqaanada Dalka ayaa sheegaya in Hay’adaha Garsoorka oo markii hore lagu qabin kalsooni buuxda ay hada ku sii milmeyn xiisadda Siyaasadeed ee u dhaxeysa Madaxda Dowladda iyo Siyaasiinta Mucaaradka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com