Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka ka imaanayo dhanka BF Somalia ayaa sheegaya in Wasiiradii dhawaan la kala diray ay xiligaani ku dhex milmeen Xildhibaanada Baarlamaanka, gaar ahaan garabkii kasoo horjeeday ansixinta Golaha Wasiirada.
Xildhibaan Cabduqaaadir Maxamed ”Sandheere” oo ka mid ah Xildhibaanada BF Somalia, ayaa sheegay inay la socdaan dhaqdhaqaaqyada ay Wasiiradii la kala diray ka dhex wadaan gudaha Xildhibaanada Baarlamaanka.
Waxa uu sheegay in Wasiiradii la diiday ay wadaan Qorsho ay ku bedelayaan mowqifkii ay taagnaayen xildhibaanada, wuxuuna carabka ku dhuftay in Ujeedkooda uu yahay inay ka weeciyaan go’aanka ay ku dhagan yihiin.
Sidoo kale, Sandheere ayaa sheegay in ka shaqsi ahaan kula talin lahaa Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid in uu Jeex Jeexo warqadaha Liiska wasiiradii uu horay usoo magacaabay islamarkaana uu bilaabo kuwo cusub.
Isagoo fariin u diraayay R/W CCC ayaa waxa uu yiri “Waxaan oran lahaa Ra’iisul wasaaraha, waraaqaha jeex jeex, kuwo cusub bilaaw, wadatashiga aad tiri shacabka iyo xildhibaanada la galayaa bilaaw, nimankaan magaalada oradaya hadii aad adiga soo dirsatay celi, hadii aadan soo dirsanna inta fariisiiso ku dheh ilaa aan sheego qofka magacaaban ka fariista dadka”
Ugu dambeyntii Xildhibaanka ayaa beeniyay in ka Xildhibaan ahaan ay taargeet ka dhiganayaan shaqsiyaad gaar ah, balse ay mar waliba u taagan yihiin inay ka shaqeeyaan aayaha Somalia.
Ra’iisul waaarah Soomaaliya ayaa qabsaday muddo 14-cisho ah in uu kusoo dhiso xukuumad cusub, ka dib markii uu dib ula laabtay wasiiro uu horay usoo magacaabay.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

