Xildhibaan deris la ahaa Adan Madeer oo ka xog warramay qaabkii loo dilay

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cismaan Xaaji Cali oo ah xoghayaha guddiga maaliyada baarlamaanka Soomaaliya, ayaa ka xog warramay qaabla loo dilay guddoomiyihii guddiga maaliyada baarlamaanka Sheekh Aadan Maxamed Madeer oo maanta duhurkii lagu dilay ee magaalada Muqdisho.

Xildhibaanka ayaa sheegay in ay daris ahaayeen xildhibaanka la dilay wuxuuna sheegay in lagu dilay Sheekh Aadan Madeer meel ku dhow gurriga uu degnaa oo ku yaalla degmada Xamarweyne ee magaalada Muqdisho.

Wuxuu sheegay in xildhibaanka markii la dilaayay uu ka soo baxay Masjidka Marwaaz oo xilligaas uu ku soo tukaday salaada jimcaha.

Wuxuu sheegay in xildhibaanka uu la socday wiil waardiyo u ahaa oo watay Bastoolad kaasoo sheegay in ragga dilay xildhibaan Sheekh Madeer ay wateen gaari yer isla markaana ay ku sugayeen meel ku dhowr gurgiisa.

Wuxuu sheegay xildhibaanka in ay ku dhaceen dhowr xabadood oo aad u culus isla markiiba uu meesha ku dhintay.

Waxaa la weydiiyay maxaa dhacay intaas kaddib, wuxuu sheegay in loo wacay xildhibaanno kale kuwaasoo ka qaaday meydka Xildhibaan Madeer goobta oo lagu qaaday gaari Ambalas ah kaddibna la galiyay Talaajad.

Wuxuu sheegay oo kale in maalinta berri ah la aasi doono.

Waxaa la weydiiyay mar haddii xildhibaannada baarlamaanka lagu dilaayo bartamaha magaalada sida dareenkooda uu yahay, wuxuu sheegay in xildhibaannada ay wal wal ka muujiyeen arrintaas.

Waa xildhibaankii labaad oo muddo 3-labo toddobaad gudahood lagu dilo magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, sidoo kale waa xildhibaankii shanaad ee la dilo ssannadkan.

Ma jirto ilaa hadda cid sheegtay dilka xildhibaan Sheekh Aadan Madeer oo muddo dheer ku soo jiray arrimaha maaliyada, isagoona horrey uga soo shaqeeyay Bangiga Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimda@live.com