Ahlu-Sunna iyo Dowladda Soomaaliya oo uu dagaal culus uu ka dhex qarxay

Garbahaareey (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya degmada Garbahaareey ee gobalka Gedo ayaa sheegaya in halkaas uu maanta ka dhacay dagaal xooggan oo u dhexeeya ciidamo ka tirsan dowladda iyo maleeshiyaad daacad u ah Ahlu Sunnada Koonfur galbeed.

Dagaalka ayaa yimid markii ciidamada dowladda ee ku sugan Garbahaareey ay rasaas ku fureen baabuur dagaal oo ay la socdeen maleeshiyaad ka tirsan Ahlu Sunna, waxaana goobta ka billowday dagaal xooggan.

Ilaa hadda waxaa la sheegayaa in dagaalka ka dhex qarxay ciidamada dowladda iyo Ahlu Sunna uu ku dhintay hal qof oo ahaa nabadoon caan ka ah magaalada Garbahaareey sidoo kale waxaa ku dhaawacmay dagaalka in ka badan seddax qof oo u badan dhinacyada dagaallamaya.

Iska hor imaadka ayaa la sheegay in uu sababaay in magaalada laga kala cararo waxaana istaagay isku socodka dadka iyo gaadidka, waxaa kaloo xiran goobaha ganacsiga ee magaalada.

Ma jirto ilaa hadda cid ka hadashay iska hor imaadka ku dhexemaray Garbahaareey ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Wararkii ugu dambeeyay waxay sheegayaan in magaalada lagu soo rogay bandow billaabanaya maqribkii ilaa subixii soconaya.

Dhacdadan ayaa ku soo beegmeysa iyadoo magaalada ay shaley gaareen wafdi uu hoggaaminaayo madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxmmuud.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com