‘’Hub aruursi & abaabul dagaal ayaa ka socdo Gobolada Dhexe’’ Waxaa yiri…

Muqdisho (Caasimada Online)-Iyadoo Laba maalin ka hor Magaalada Muqdisho gaar ahaan Villa Somalia lagu kala saxiixday Heshiisyo lagu hirgalinaayay  maamul mideeya Gobollada Dhexe, ayaa waxaa haddana soo baxaayo warar sheegaya in Hub aruursi iyo Abaabul dagaal uu ka socdo Gobollada dhexe.

Imaam Cumar Macallin Abshir oo ka mid ah Waxgaradka Soomaaliyeed ee ka soo jeeda Gobollada dhexe oo la hadlay Warbaahinta Muqdisho, ayaa waxa uu sheegay in Heshiiskii lagu gaaray Villa Somalia uu dhaliyay Colaado u dhexeeyo Beelaha iyo maamulada Gobollada dhexe.

Imaam Cumar Macallin oo ka qeybqaadanaayay dooda Jimcaha Shabelle ayaa  waxa uu ka digay in dagaal sokeeyo uu sababo Maamul la doonayo in loo sameeyo Gobollada Mudug iyo Galgaduud.

Waxa uu tilmaamay Imaamka in Maamulada qaar ee la mideynaayo ay isku biro tumanayaan, taasina waxa uu Tilmaamay inay sabab u tahay Dowlada Madaxweyne Xassan Sheekh.

‘’ Waa nasiib daro in Dowlada Somalia ay qaatumo ka dhigtay iska horgeynta Beelaha dega Mudug iyo Galgaduud, meeshii ay ka shaqeyn lahayd isku soo dhaweynta umadda Soomaaliyeed ayay ka shaqeysay kala fogeynta iyo iska horgeynta Beelaha’’ ayuu yiri Imaamka oo intaa ku daray inay iminka jiraan Colaado laga dheehan kara G/Dhexe.

Maamulka Ximan iyo xeeb iyo Ahlusunna ayaa iyagu daboolka ka qaaday inaysan qeyb ka aheyn Maamulka ay Dowlada qalinka ku duugtay, waxa ayna Tilmaameen in Heshiiskaasi uu ahaa mid lagu qiyaameynaayo Beelaha Soomaaliyeed.

Dhanka kele, Heshiiskii ay garwadeen ka ahayd dowladda Federaalka Somalia ee ka dhacay Madaxtooyada ayaa waxa uu qarka u saran yahay inuu dhaliyo Dagaal Sokoye oo iminkuba saan-saantiisa laga dareemaayo G/Dhexe.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com