Guddoomiyihii guddiga maaliyadda BF SOOMAALIYA oo Muqdisho lagu dilay

Muqdisho (Caasimada Online) – Warka ka imaanayo Degmada Xamar-weyne ee Gobolka Banaadir, ayaa sheegaya in Kooxo Hubeeysnaa ay goor dhow gudaha Degmadaasi ku toogteen Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Somalia.

Wararku waxa ay sheegayaan in Xildhibaanka la toogtay uu ahaa Guddoomiyaha Guddiga Maaliyada Baarlamaanka, waxaana la toogtay xilli uu kasoo baxay Masjid ku yaalla Degmada Xamar weyne oo uu kusoo dugtay.

Xildhibaanka ayaa waxaa dilay rag saarnaa gaari nooca raaxada ah, waxaana la tilmaamayaa inay isku hor gooyen gaarigii uu watay sidaana Rasaas ooda uga qaaden.

Allaha u naxariistee Xildhibaanka la dilay ayaa waxaa lagu magacaaba Sheekh Aadan Madeer oo kamid ahaa Xildhibaanada Baarlamaanka, gaar ahaan gudiga Maaliyada.

Lama Oga sababta ka dambeysay dilka Xildhibaanka, iyadoona ay goobta ka baxsadeen dadkii dilka fuliyay.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com