Jawaab: “Puntland kama Soomaalisana beelaha gobollada dhexe” Waxaa yiri..

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Cabdiweli Gaas ayaa xalay shaaciyey in maamulkiisu ay kalsoonidii kala noqdeen Dowladda dhexe ee Soomaaliya, kaddib markii dorraad Muqdisho lagu go’aamiyey in Gobolada dhexe ee Soomaaliya ay sameystaan maamul goboleed.

C/Weli oo heshiiskaasi ka dabaaqtamaya, wuxuu sheegay in Gobolka Mudug oo 2 dhinac u qeybsan aaney suurtagal aheyn in lagu darsado maamulkaasi.

Hadalka C/Weli Gaas waxaa naqdiyey xalay Xildhibaan Cabdullaahi Kheyre oo ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana uu sheegay in Xildhibaan Kheyre in hadaladaasi aaney ku habooneyn in ay ka yimaadaan shaqsi mas’uul ah oo ay dhibeyso xaaladda adag ee dalku ku sugan yahay.

“Puntland waxey noqotay bar ceebeed ku taal Dowladda dhexe ee Soomaaliya, sababtuna waxey tahay tillaabo kasta oo ay Dowladdu u qaado dhinaca wanaagsan iyo horumarka waxaad moodaa in ay odax ku tahay” Ayuu yiri Xildhibaan Kheyre, waxa uuna intaasi raaciyey in Puntland ay Dowladda ugu jiraan Xildhibaanno iyo Wasiiro haddii ay cabanayaana ay tahay in ay Baarlamaanka soo maraan, halkii ay saxaafadda ka baahin lahaayeen hadalo xasaasiyad abuuri kara, haddii se ey yiraahdaan waxaan xiriirka u jarnay Dowladda, waxa uu sheegay in aysan Dowladdu waxba u arkeyn.

“Haddii xaqiiqda la iska indha-tiro waxaa ka dhalanaya cadaalad darro. Puntland waxaa sameystay beel ka mid ah beelaha Soomaaliyeed, beeshaasi kama Soomaalisana, kama xuquuq badna beelaha kale ee Soomaaliyeed, waa in lagu celceliyaa in aysan waxba ka duwaneyn beelaha dagan Sh/dhexe, Hiiraan iyo Galguduud” Ayuu yiri Xildhibaankaasi, waxa uuna intaasi ku daray in Maamulada dalka ka jira ay cabasho soo gudbin karaan, loona baahan yahay in cabashadaadu aaney noqon mid sed-bursi aad ku raadineyso.

“Beel waliba haddii ay tiraahdo sida aan rabno haddaan la yeelin cirkaa soo dumaya, waxey dhaawaceysaa hannaankii dowladnimo, Madaxdweynaha, R/wasaaraha iyo beesha caalamkuna waxey si wadajir ah goob joog uga ahaayeen, una ansixiyeen hirgelinta Maamulkaas” Ayuu yiri Xildhibaan Cabdullaahi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com