Xog: Qarashkii safaaradaha la xiray oo la leexsaday (Arag DOCUMENT sir ah)

Muqdisho (Caasimada Online – Dowladda Soomaaliya, ayaa dhowaan sheegtay in la xiri doono inta badan safaaradaha Soomaaliya ee caalamka, lagana soo reebi doono kaliya 31 safaaradood.

Arrintaas ayaa waxaa loo sababeeyey in la yareeyo qarasha ku baxa, maadaama aysan dowladda Soomaaliya haysan dhaqaale ku filan.

Caasimada Online, ayaa heshay Dukumenti muhiim oo uu Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Xukuumadda Federalka, C/raxmaan Ducaale Bayleh kaga dalbaday Wasaaradda Maaliyadda in xisaab lacageed gaar ah loogu shubo Kharashyadda qaar ka mid ah Safaaradaha Somalia ee caalamka .

In la joojiyo kharashaadka safaaradahan waxey imaanee xili safaarado loo xiray dhaqaalo daro, haddana waxaa ka muuqda warqadda in lacagtii laga helay safaaradaha la xirayo uu wasiirka weli daba taagan yahay.

Waxaay Safaaradahaasi ku kala yaallaan dalalka Qatar, Libya, South Africa, Russia iyo France.

Hoos ka arag warqadda ay heshay Caasimada Online

bayleh warqad

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com