Xildhibaan goordhow lagu dilay magaalada Gaalkacyo

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Maleeshiyaad ku hubeysnaa Bastoolado ayaa waxa ay goordhow toogasho ku dileen Xildhibaan Saciid Xayle oo ka tirsanaa Golaha Deegaanka degmada Gaalkacyo.

Dilka Xildhibaanka ayaa waxaa fuliyay dhalinyaro tiradooda lagu sheegay Seddex oo dilka kadib goobta ka baxsaday.

Dilka Xildhibaan Saciid Xayle ayaa ka dhacay afafka hore ee hooygiisa oo ku yaala xaafada Garsoor.

Dilka Xildhibaanka ayaa dhacay Salaada maqrib kadib waxaa dhowr rasaas looga dhuftay qeybta sare ee jirkiisa.

Ciidamada Booliska ayaa dilka Xildhibaan Saciid Xayle oo ka tirsanaa Golaha Deegaanka degmada Gaalkacyo u qabtay ilaa Shan ruux oo xiliga dilka ku sugnaa meel aan sidaa uga sii fogeyn goobta uu dilka ka dhacay.

Dhanka kale, dilka Xildhibaan Saciid Xayle ayaa noqonaaya kii Seddexaad oo gudaha bishaani barakeysan ka dhaca Gaalkacyo.

Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
Caasimada@live.com