Qaraxyo ka dhex dhacay xeryo ay degenaayen ciidanka Amisom

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamo ka tirsan AMISOM gaar ahaan kuwa Kenya ayaa waxaa Qaraxyo lagula eegtay xarun ku taalla duleedka degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Qaraxa ayaa la sheegay in lagu aasay xero ciidan oo ay degan yihiin ciidamada Kenya oo ku taala degmada Baardheere.

Qaraxyada oo ahaa ilaa 2 Qarax ayaa waxa ay ka kala dhaceen Xero ay degan yihiin Ciidamada Kenya oo ku taalla duleedka degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Qaraxyada kadib ayay ciidamada Kenya fureen rasaas xoogan oo aan la garaneynin halka ay ku fureen, waxaana lasoo warinayaa in khasaaro culus uu ka dhashay Qaraxyada.

Ciidamada ayaa Qaraxyada kadib xiray dhamaan wadooyinka soo gala xeryaha iyo kuwa kabaxa waxaana sidoo kale, dhaawacyada iyo Meydadka Ciidamadaasi lagu daadgureeyay diyaarado nooca loo yaqaan Helicobterka.

Ciidamo ka tirsan kuwa DF iyo AMISOM ayaa halkaasi ka sameeyay howlgallo amniga lagu xaqiijinayo.

Ma jiro wax war ah oo saraakiisha AMISOM ay ka soo saareen Qaraxyadaasi ka dahcay xaruntooda duleedka Baardheere ee Gobolka Gedo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@liv.com