XASAN SHEEKH oo qiray in lagu fashilmay siyaasadda Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud oo ka hadlaayay Munaasabada xuska 26-ka June ee sannad-guuradii 56-aad ee ka soo wareegtay xornimadii gobollada waqooyi ay ka xorroobeen gumeysigii Britain, ayaa ka hadlay halka ay iminka mareyso siyaasada Somalia.

Madaxweyne Xassan waxa uu sheegay in xuska 26-ka June ay tahay maalin taariikhi ah, waxa uuna tilmaamay in wakhtigaasi iyo kan hadda lagu jiro uu u dhexeeyo farqi.

Madaxweyne Xassan ayaa soo hadalqaaday siyaasada xiligaasi ay Somalia dheeli jirtay iyo tan iminka lagu shaqeynaayo waxa uuna qiray in siyaasada iminka ay ku shaqeeyan tahay mid fashilmatay.

Madaxweyne Xassan waxa uu yiri ”Soomaaliya dal ahaan ma fashilmin, balse siyaasadda ayaan ku yara fashilmanay taasina dawo ayaan u raadineynaa”

Madaxweynaha waxa uu qiray in siyaasada Somalia ay waxbadan ka liidato sidii hore, waxa uuna taasi ku micneeyay wadashaqeynta iyo is adeecida oo aad u hooseysa.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya ay ku jirto marxalad dib loogu qaabeynayo siyaasaddeeda, iyadoo la hirgeliyay nidaam federaali ah oo xukunka lagu baahinayo oo loo arkey mid xal u noqon karta mashaakilka siyaasadeed ee dalka.

Madaxweynaha ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqey inay ka shaqeeyaan horumarka, nabadda iyo midnimada dalka.

Haddalka Madxaweyne Xassan ayaa kusoo beegmaya xili loo dabaal-dagaayo 26-ka June ee sannad-guuradii 56-aad ee ka soo wareegtay xornimadii gobollada waqooyi balse magaalada Muqdisho xiliga ay dhaceysay munaasabada waxaa magaalada Muqdisho ka socday weerar kaasi oo lagu qaaday Hoteel Naasa-hablood.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com