Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig ayaa maanta oo Talaado ah Magaalada Copehagen ee Dalka Demark kulan kula yeeshay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Denmark.
Kulankaasi ayaa xubnaha Baarlamaanka Denmark waxaa hor kacayey Wasiirkii hore ee Cadaalada Denmark Morten Bรธdskov haatana ah Xildhibaan kana tirsan Baarlamaanka Denmark kana Tirsan Xisbiga Social Democratic waxaana ayey kaga wada hadleen labada dhinac sidii loo xoojin lahaa Xiriirka Labada Baarlamaan.
Xildhibaan Cabdirashiid Xidig oo gebagebadii kulankaasi la hadlay Website-ka caasimada Online isaga oo ku sugan Copenhagen ayaa sheegay inay isku af garteen labada dhinac in xubno ka tirsan Baarlamaanka Somalia lagu casuumo Denmark si loo kala qaato qibrada iyo aqoonta la is dheer yahay ee dhinacyada sharci dejinta, wada shaqaynta Dawladda iyo Baarlamaanka, iyo Awooda uu leeyahay Baarlamaanku.
Xildhibaan Cabdirashiid Xidig oo booqasho ku maraya Dalal ku yaal Qaarada Yurub ayaa Todobaabkan kaga qayb galay Dalalka Jarmalka iyo Holland Kulamo looga hadlayey sidii loo xoojin in laga hirgeliyo Somalia doorasho Qof iyo Cod ah Sanadka 2020-ka.
Cabdi Maxamed Ismaaciil (Cabdi Cuud)
Malmo-Sweden