Xildhibaan Cabdiraxmaan XAAJI oo lagu dilay Boosaaso

Boosaaso (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland ayaa sheegaya in xalay xildhibaan ka tirsanaa golaha deegaanka degmada Badhan ee gobolka Sanaag lagu dilay gudaha magaaladaasi

Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaani jiray Cabdiraxmaan Xaaji Maxamed, kaas oo maalmahan dambe ku sugnaa magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Wararka ayaa sheegaya in rag hubeysan ay ku dhufteen dhowr xabadood, iyaga oo ka toogtay qaybaha sare ee jirka, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo lagu kalsoonyahay.

Xildhibaanka ayaa waxa marka hore soo gaaray dhaawac, balse waxaa saaka uu ku geeriyooday isbitaalkii lagu dabiiyay, sida aan kasoo xiganay dadka deegaanka.

Sidoo kale kooxda dilka fulisay ayaa goobta isaga baxsatay, waxaan haatan baaritaano wada ciidamo ammaanka ee maamulka Puntland.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay mas’uuliyiinta iyo saraakiisha laamaha amniga oo ku aadan dilka xildhibaankaasi iyo howlgallada xigay intaba.

Xaaladda ayaa haatan deggan, waxaana socona qaban-qaabada aaska xildhibaan Cabdiraxmaan Xaaji Maxamed oo weerar toogasho ay xalay ku dileen rag hubeysan.

Boosaaso ayaa waxaa inta badan ka dhaca falal ammaan darri oo isugu jiro dilal qorsheysan iyo qaraxyo oo ay halkaasi ka fuliyaan kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish.

Puntland ayaa dagaal kula jirta labadaan kooxood oo ku xoogan dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari, halkaas oo ay kasoo abaabulaan weerarada ay ka geystaan maamulkaasi.