Daawo: Dhacdo argagax leh oo ka dhacday MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dhacdo kale oo argagax leh oo xalay ka dhacday magaalada Muqdisho, kadib markii gaari xamuul ah uu jiiray mooto Bajaaj ay la socdeen saddex dhalinyaro ah oo mararay agagaarka Tarabuunka.

Gaariga xamuulka ah oo ad u rarnaa ayaa lagu soo warramayaa inuu dusha ka maray mootada, waxaana ka dhashay shilkan khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Waxaa goobtay ku dhintay mid kamid ah wiilasha saarnaa mootada, halka labada kale ay dhaawacyo halis ah soo gaareen, sida ay warbaahinta u sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Marxuumka dhintay ayaa waxaa magaciisa lagu soo koobay Caadil, wuxuuna kamid ahaa dhalinyarada isticaala Aaladda TikTok-ga, ayada oo la aqoonsan meydkiisa, kadib markii uu si xun u jiiray gaariga oo ka maray qaybaha sare, sida ay sheegeen dadka goobjooga ahaa.

Sidoo kale waxaa xilligaas uu marxuumka ka yimdi meel goob oo uu kula soo damaashaaday saaxibadiisa, balse isaga oo kusii jeeday xaafadda uu geeriyooday.

Dhanka kale Taliska Booliska Gobolka Banaadir oo war kasoo saaray dhacdadaan ayaa shaaca ka qaaday in ay gacanta kusoo dhigeen wadihii gaariga oo goobta ka baxsaday, kadibna lagu xiray saldhigga Booliska degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

“Degmada Hodon, waaxda Octobar agagaarka Isbitaalka Digfeer ayaa abaare 12:10 habeen barkii, Eedeysanahan oo Wade ka ahaa gaariga xamuulka ah ee idiin muqda ayaa jiiray kana cararay muwaadiniin saarnaa Mooto Bajaaj oo goobta marayay,” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah ee kasoo baxay talisja qaybta Booliska Gobolka Banaadir.

Sidoo kale wuxuu uuu intaasi ku saray in eedeysanaha la horgeyn doono cadaaladda, si looga qaado tallaabada ku haboon.

“Shilka ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac, Ciidanka Boliiska Saldhigga Degmada Hodan ayaa gargaar u fidiyay dhibanayaashii shilku dhibku gaaray, Sidoo kale Ciidanka Booliska ayaa baadi goob ka dib gacanta kusoo soo dhigay nikaan. Wuxuuna wajihi doonaa Cadaalada” ayaa markale lagu yiri qoraalka kasoo baxay Taliska Booliska Gobolka Banaadir.