Tirada dhimashada dagaalka Laascaanood oo gaartay 210

Laascaanood (Caasimada Online) – Maamulka magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa maanta war cusub kasoo saaray khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka ka socda gudaha magaaladaasi, kaas oo qaatay 24 maalmood oo xiriir ah.

Maayarka magaalada Laascaanood Cabdiraxmaan Cali Ismaaciil oo ka hadlay khasaaraha guud ayaa shaaca ka qaaday in dhimashada iyo dhaawac uu haatan sii kordhay.

Cabdiraxmaan Cali Ismaaciil ayaa xaqiijiyay in dhimashada ay haatan mareyso illaa 210 qof, kuwaas oo u badan dad shacab ah, sidoo kalena ay dhaawacmeen 680 ruux oo kale.

Waxa kale oo uu xusay in dagaallada weli ka socda halkaas ay ku barakaceen illaa 200 oo kun oo qoys, kuna noolaa magaalada Laascaanood iyo nawaaxigeeda.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in dagaalladan ay ku burbureen illaa 755 guri oo ay lahaayeen dad shacab ah , kadib markii lagu garaacay duqeyn xoogan.

Duqa magaalada Laascaanood ayaa sidoo kale sheegay in xad-gudub xoogan ay Somaliland ka geysatay magaalada, isla-markaana ay madaafiic ku burburisay xarumaha muhiimka ah ee adeegyada bulshada iyo sidoo kale guryaha shacabka ee isaga barakacay halkaasi.

Dhanka kale dagaalka ayaa weli socda, waxaana is horfadhiya ciidamada labada dhinac ee dagaalamay, taas oo uga sii dareyso xaaladda adag ee ka taagan Laascaanood.

Inta uu socday dagaalka ayaa ciidamada Somalilalnd waxaa laga qabsaday dhul ballaaran, waxayna dib uga baxeen aagagii ay horay uga dagaalamayeen ee Laascaanood & Tukaraq.

Lama oga sida ay wax noqon doonaan iyo halka ay ku dambeyn doonto arrinta Laascaanood, maadaama aysan labada dhinac aysan weli sameyn wax tanaasul ah.

Si kastaba, waxaa isa soo tarata baaqyada caalamiga ah ee loo dirayo Somaliland iyo dadka deegaanka, si loo qaboojiyo xiisadda ka taagan magaalada Laascaanood.