Xildhibaan Cabdixakiin: Galmudug waa deegaan HUB iyo GAADIID badan uu yaallo

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdixakiin Macalin Axmed oo ka mid ah mudanayaasha golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya oo u warramay Idaacadda Mustaqbal ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee maamulka Galmudug.

Xildhibaanka ayaa wareysigaan ku sheegay in marxalado adag laga soo maray dhismaha Galmudug, islamarkaana loo baahan yahay in la adkeeyo midnimadeeda.

Sidoo kale wuxuu carabka ku dhuftay in weli deegaanada Galmudug uu yaallo hub iyo gaadiid fara badan, dadkuna aysan ka gaarin heshiis dhameystiran.

“Galmudug waa deegaan hub iyo gaadiid badan uu yaallo, dadkiisu heshiis dhameystiran kama gaarin dhismaha Maamul ay ku mideysan yihiin si ay wax isugu darsadaan, duruufta dhaqaale oo intaa u dheereed waxa ay sababtay in uusan shaqeyn Maamulka. xildhibaan sare Cabdixakiin Macalin Axmed oo door firfircoon ku lahaa dhismaha Galmudugta cusub.

Dhanka kale wuxuu ku baaqay in aan la carqaladeyn maamulka curdunka ah ee hadda jira, oo uu tilmaamay in la wada taageersan yahay, sida uu hadalka u dhigay.

“Marxaladda cusub ee ah Galmudug isla socoto oo inta badan dadku wada taageersan yihiin waa horumar la gaaray, haddii maamulka uusan ku tiirsaneen Dowladda dhexe ama Beesha Caalamka ma dhaqaaqi karo, waxaana aaminsanahay in dadka ay ugu faaiideeyaan fursadda wanaagsan ee Dowladaha akteeda yaalla” ayuu markale yiri xildhibaanka

Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo dhowaan la filayo in si rasmi ah loo caleema saaro madaxweynaha Galmudug ee garabka dowladda, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor).