Xildhibaan eedeen culus u jeediyay DF

Muqdisho (Caasimada Online)- Xildhibaan Maxamuud Cabdi Xeydh ayaa ka hadlay qunsul Kenya dhawaan u soo magacowday magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose.

Isagoo la hadlaayay mid ka mid ah Idaacadaha Muqdisho, ayuu sheegay xildhibaanku in nasiib darro weyn u tahay dowladda Soomaaliya qunsulka Kenya ay u soo magacowday Kismaayo.

Wuxuu sheegay hadii ay sax noqotay hadallada la isla dhexmaraayo ee ah Kenya in ay Kismaayo u soo dirtay qunsul in arrintaas ay muujineyso Kenya in ay qorshe weyn ka lee dahay Soomaaliya.

Xildhibaanka ayaa madaxda dowladda ugu baaqay in ay si degdeg ah uga hadlaan qunsulka tagay Kismaayo iyo qorshaha ka dambeesa.

Wuxuu xusay in Kismaayo ay tahay deegan ka mid ah Soomaaliya oo aan la dhihi karin waa magaalo kale oo ka baxsan Soomaaliya.

“Haddii xittaa la dhahaayo qunsul ayaa la soo magacaabay waa in dowladda lala socodsiiyaa, Kismaayo ma ahan meel ka baxsan Soomaaliya oo Soomaaliya ayaa laga maamulaa, waa in si degdeg ah arrintaas loo shaarciyo waxa ka dambeeya” ayuu yiri xildhibaan Xeydh.

Xildhibaanka wuxuu kaloo soo dhaweeyay go’aanka dowladda Soomaaliya ay qaadatay ee ah in ay u yeerato safiirka u fadhiya Kenya, kaddbib markii la xiray qunsulka Soomaaliya ee Nairobi Siyaad Maxammuud Shire.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com