Wasiirka arrimaha gudaha oo sheegay ujeedada tallaabada MUUNGAAB uu…

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya C/laahi Goodax Barre, ayaa waxa uu taageeray in isbedelo lagu wada sameeyo Maamulada Degmooyinkii Gobolada Banaadir, laguna bedelo dhalinta waxbaratay in ay hogaamiso.

Wasiirka oo shalay markale hortagey Baarlamaanka, ayaa wax laga weydiiyay sababta keentay in Duqa Magaalada Muqdisho uu bedel ku wada sameeyo Gudoomiye-yaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Wasiirka, ayaa marka hore sheegay inaanu General Muungaab wax isbedelo ah ku samayn Gudoomiye-yaasha Degmooyinka, oo ay soo magacawday Wasaarada Arrimaha Gudaha, ee uu hogaamiyo.

Sidoo kale wuxuu sheegay magacaabida dhalinyarada in uu kala tashaday Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, marka uu Maamul soo dhisaayana uu kala tashado Xildhibaanada, sida uu yiri.

Baahida keentay in la soo magacaabo dhalinyarada, ayaa wuxuu ku sheegay mid loo arkay muhiim, isla-markaana wuxuu soo jeediyay dhalinta in fursad loo siiyo shaqooyinka loo igmaday.

Wasiir Goodax, ayaa qaba in ay isbedel la imaan doonaan Gudoomiye-yaasha cusub ee Degmooyinka Gobolka Banaadir, uuna ku baaqaayo inaan laga horimaan, oo waqti loo siiyo si ay waxqabad ula yimaadaan.

Inta badan bulshada, ayaa soo dhoweysay dhalinta waxbaratay in lagu aamino Maamulada Degmooyinka Gobolka Banaadir, inkastoo dadka qaarkii shaki ka muujinayaan waxqabadka ay la imaan karayaan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com