Wasiir ceebeeyey xubno ka tirsan DF oo ku kacay falal xatooyo iyo dhac ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka C/laahi Goodax Barre ayaa qiray in raashiin deeq ahaa oo loogu talagalay dadka ku dhibaateysan gobollada Baay iyo Bakool ay leexsadeen masuuliyiin dawlada ka tirsan hase yeeshee laga soo qabtay oo dib looga soo celiyey.

Goodax ayaa sheegay in dowladda ay joojisay gar gaarkii ay u diri laheyd degmooyinka, kadib markii ay ku aamini waayeen mas’uuliyiinta maamulada degmooyinka, kadib markii ay dhacday marar badan in sidii loogu tala galay aan loo gaarsiin dadka dan yarta ah.

“Arrinta raashiinka waa sax way jirtaa, xildhibaano badan oo halkan [baarlamaanka] joogana waa og yihiin in raashiin deeq ahaa oo aan u dirnay meelihii ugu horeeyay ee la xoreeyay in la leexsaday, hase yeeshee waa laga dabatagay waana laga soo celiyay.” ayuu yiri wasiirka.

“Waxaa jira dad mas’uuliyiin ahaa oo lunsaday raashinkii gar gaarka, waxaa dhacday raashin gar gaar loo diray Bay iyo Bakool, in badan ayaa la leexsaday, dowladda waa ka soo celisay waxaa loo diray Shabeelaha Dhexe oo ay ka jirtay xaalado bani’aadanimo” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Marar badan ayaa waxaa jiray eedeymo loo jeediyay Mas’uuliyiinta maamulada degmooyinka oo ku aadan in raashin gar gaar loogu tala galay deegaanadooda inay lunsadeen, taasna ay keentay in dowladda ay joojiso gar gaarkii la gaarsiinayay dadka dan yarta, maadaama sidii loogu tala galay aanay u gaareyn.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com