Col. BARRE HIIRAALE oo Kismaayo ku qabanaya shir “Maxaa soo kordhay?”

Kismaayo (Caasimada Online) – Mucaaradka Axmed Madoobe ayaa ku dhawaaqay in shirweyne dib-u-heshiisiin in ay ku qaban doonaan magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose.

Salaad Cilme Axmed,oo ah afhayeenka kooxaha mucaaradka Axmed Madoobe, oo la hadlay Idaacad Muqdisho ku taalla ayaa sheegay in dhawaan magaalada Kismaayo ay ku qaban doonaan shirweyne ay ka soo qaybgali doonaan dhammaan beellaha deggan Jubbooyinkan.

Wuxuu uu sheegay in shirkan uu soo agaasmimay hogaamiyaha kooxaha kasoo horjeeda maleeshiyada Axmed Madoobe, Col. Barre Hiiraale. Lama yaqaan sida ay kooxdan ugu suurta geli doonto arrintan.

Ninkan oo ku sugan duleedka Kismaayo gaar ahaan deeganka Goobweyn ayaa sheegay in shir dhawaan lagu qabtay Kismaayo oo la dhahay waa shir dib u heshiisiin in uu yahay shir ay ka qaybgalayaan hal beel.

Wuxuu sheegay in shirkaas ay soo qaban qaabisay koox jabhad ah oo qabsatay hal magaalo sidda uu yiri.

Wuxuu sheegay in shirkooda uusan noqon doonin shir hal beel lagu casuumo ama beelaha deggan Jubbooyinka la bahdilo oo la dhaho waxbo ma gashaan.

Dhinaca kale, Salaad Cilmi Axmed ayaa ka hadlay qunsul dowladda Kenya u soo magacowday Kismaayo, wuxuuna ku tilmaamay arrintaas in ay muujineyso Kenya in ay qabsatay Kismaayo.

“Waa ayaan darro maxaa yeelay Kenya iyada aya qabsatay Kismaayo, haddana iyadda ayaa u soo magacowday qunsul, waa in qofkasta oo damiir leh uu kacaa, waa arrin u taalla baarlamaanka iyo dowladda si wax looga qabto arrintaas maxaa yeelay in diplomaasiyiinteena loola dhaqo siddaas iyagana siddaas ay sameeyaan” ayuu yiri afhayeenka mucaaradka Axmed Madoobe.

Si kastaba, hadalka Salaad Cilmi ayaa ku soo beegmaya iyadoo dhawaan magaalada Kismaayo uu ka furmay shirweyne la sheegay in uu yahay mid lagu heshiisiinaayo beelaha deggan Jubbooyinka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Kisamayo

Caasimada@live.com