Axmed Madoobe oo qorshe cusub ka leh maleeshiyaadka u dagaallama

Kismaayo (Caasimada Online)- Magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose, waxaa maalintii labaad ka socda shir xasaasi ah oo looga hadlaayo amniga magaalada iyo dib u habayn la doonayo in lagu sameeyo maleeshiyaadka u dagaallama maamulka KMG ah ee Jubba.

Shirkan in la qabto waxaa lahaa hoggaamiye Axmed Madoobe, waxaana uu ka qaybgalaya wasiirka ammaanka maamulka Jubba iyo dhammaan laamaha ammaanka magaalada.

Ujeedka shirkan ayaa lagu sheegay in uu yahay siddii lagu ogaan lahaa sababaha keenay in dilalka magaalada ay weli sii socdaan.

Axmed Madoobe ayaa damacsan inuu isbadal ku sameeyo saraakiisha hoggaamisa maleeshiyaadka u dagaallama, iyo in magaalada la keeno ciidamo hor leh.

Magaalada toddobaadkan waxaa ka dhacay dilal oo qaar ka mid ah lagu khaarijiyay maleeshiyaad u dagaallama hoggaamiye Axmed.

Ammaanka magaalada Kismaayo ayaa u eg mid faraha ka baxay, oo dilalka waa joogto cid loo soo qabtayna ma jirto.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com