Diblomaasi safaaradda Soomaaliya ka tirsan oo weli u xiran Kenya & DF oo…

Muqdisho (Caasimada Online) – Xoghayihii Koowaad ee Safaaradda Somalia ku leedahay magaalladda Nairobi, Ilyaas Yuusuf Warsame ayaa waxa uu weli ku xiran yahay dalka Kenya.

Diplomaasigaasi oo la qabtay bishii January ee sannadkan, ayaa la sheegay inuu u xiran yahay Ciiddanka Boliska ee La-dagaalanka Argagixisadda ee Kenya, iyadoo bishii February lagu soo oogay inuu saaxiib la ahaa rag kale oo loo haystay waxa loogu yeero Argagixisadda.

Qaar ka mid ah Qaraabadda Diplomaasigaasi ayaa ugu baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in loo hawlgalo sidii Dowladda Kenya loogu cadaadin lahaa inay soo daayaan Diplomaasigaasi sabab la’aanta dhowrka bilood ugu xiran dalka Kenya.

Arrintan ayaa ku soo beegmayso iyadoo ay Dowladaha Somalia iyo Kenya ka dhex aloosan tahay xiisad Diplomaasiyadeed oo ka dhalatay xarigii Qunsulka Guud ee Safaaradda Somalia ku leedahay Nairobi, Siyaad Maxamuud Shire oo isbuucii hore dhowr saacadood la xiray.

Ilaa iyo haatan, Dowladda Kenya wax raalli-gelin rasmi ah kama bixinin xariga Qunsulka Guud, waxayna taasi muujinaysa inay Kenya wax haybad ah u haynin Dowladda Somalia iyo Muwaadiniinta Soomaalida ee ku sugan gudaha Kenya.

Kumanaan Soomaali ah ayaa ku-dhawaad hal bil ku xiran Saldhigyo ku yaalla Nairobi, kuwaasi oo aan wax dacwad iyo Maxkamad aan la soo taagin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com