Xog laga helay cidda lala damacsanaa qaraxii maanta ka dhacay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha bangiga dib u dhiska Soomaaliya, Cabdulaahi Afrax ayaa ka hadlay qarax maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Wuxuu sheegay qaraxa in lala eegtay baabuur uu lahaa agaasime waaxeedka bangiga Soomaaliya, kaasoo lagu magacaabo Maxamed Faarax Jeesow.

Wuxuu sheegay qaraxa in uu dhacay mar uu ka maqnaa goobta agaasimaha oo gurrigiisa ayuu jiray oo maanta fasax ayuu ahaa sidda uu yiri.

Wuxuu beeniyay in qaraxaas isaga lala damacsanaa.

Wuxuu kaloo guddoomiyaha ayaa caddeeyay in agaasimaha ka mid yahay dadka caaddiga ah ee magaalada iska dhex mara iyagoo aan la waardiyeeneynin oo ma galo arrimaha siyaasadda ayuu yiri.

Wuxuu kaloo sheegay in ay socdaan baaritaan lagu ogaanayo sidda uu qaraxa ku dhacay oo ay wadaan laamaha ammaanka.

Ilaa hadda ma jirto cid ka hadashay qaraxa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com