26.4 C
Mogadishu
Tuesday, May 26, 2026

Xildhibaan: Fashilka GUULEED waa mid weyn.!!

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo baxaaya dhaliilo loo jeedinaayo maamulka Galmudug ee uu madaxweynaha ka yahay C/kariin Xuseen Gulleed.

Dhaliishaani ayaa waxaa jeediyay Xildhibaan Muxuyidiin Sunni oo kamid ah Baarlamaanka Galmudug oo sheegay in maamulka uu ka gaabinaayo howlihii loo igmada, waxa uuna sabab uga dhigay isla xisaabtan la’aanta taagan.

Sunni oo wareysi siinaayay Idaacadda SMN ee magaalada Muqdisho, ayaa tilmaamay in mudadii dhidibada loo aasay maamulka ilaa iyo hadda aanu jirin wax muuqda oo u qabsoomay maamulka, isaga oo cod dheer ku sheegay in Madaxweynaha maamulka iyo Golihiisa Wasiirada ay yihiin kuwo naftooda ku mashquulsan.

Xildhibaanka ayaa cadeeyay in Galmudug ay ku fashilantay wadahadalladii Ahlusunna Waljameeca, taasina ay muujineyso mas’uuliya darida taagan.

Madaxweynaha Maamulka iyo Golaha Wasiirada ayuu ugu baaqay inay la imaadan wax muuqda ama ay dadka u cadeeyan waxa ka hortaagan horumarka.

Ka Baarlamaan ahaan ayuu sheegay in tallaabo ay ka qaadi doonaan mas’uuliyiinta maamulka uu Madaxweynaha maamulkaas ugu horreeyo haddii aysan sidaan wax ka bedelin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News