Xildhibaan Fiqi: 5 arrimood oo maangal ah oo Farmaajo aan loogu ogolaan karin inuu booqdo HARGEYSA

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi ayaa qoraal uu soo dhigay facebook uga hadlay safarka la sheegay in madaxweyne Farmaajo uu ku tagayo magaalada Hargeysa, wuxuuna sheegay in shan sabab dartood aan la aqbali karin safarkaas. Hoos ka aqriso qoraalka Fiqi.

Shan arrimood oo maangal ah oo aan Farmaajo loogu ogolaan karin In uu booqdo Hargaysa:

  1. Guddiyadii wadahadalka labada dhinac oo hawlgab ahaa intii Farmaajo uu madaxweynaha ahaa, mudadaasna uusan muujin niydsami iyo shaqo socota oo uu ku mutaysan karo tagista halkaas.
  2. Inuusan jirin ajande cad oo ay soo bandhigeen labada dhinac oo safarkaan lagu soo xaqiijinayo, ayadoo Somaliland dhankeedana ay ka muuqato In lagu dirqinayo ayagoon raalli ka ahayn, Farmaajana uu doonayo meel aan laga rabin in uu isku maqiiqo.
  3. Fashilka isku haynta maamulkiisa iyo dawlad goboleedyada ka dhisan koofurta Soomaaliya iyo aaminsanaantiisa In xoog iyo ismaquunin lagu kala baxo sida waxa ka taagan Galmudug iyo Jubaland. Habdhaqankaan oo ahaa kii Somaliland gaarsiiyey meesha ay taagan tahay.!
  4. Inuu ku jiro Md. Farmaajo bilihisii u dambeeyey asagoo waajahaya waxqabad xumo, kana dhiganaya booqashadan buunbuunin uu u adeegsado ololihiisa doorashada.
  5. Cidda soo hindistaya sida gaarka ahna uga faa’idaysa safarkan waa Abiy Ahmed oo doonaya dekedda Zaylac in ciidamada badda Ethiopia ay saldhig u noqoto.

Ardayda waxaa marka ay fasal ka gudbayaan la marsiiyaa imtixaan, haddii ay ku guulaystaan imtixaankaas un bay u gudbi karaan fasalka xiga, madaxweyne Farmaajo wuxuu ku dhacay imtixaankii asaasiga ahaa ee nabadaynta Muqdisho, isku haynta dawlad goboleedyada iyo abuurista dhaqan dimuqraadi ah oo oggol wax wada lahaansho iyo tala-wadaag, sidaas awgeed asagoo col la ah maamuladii dalka in uu diyaarad ku sii dulmaro asagoo Abiy xambaarsan yahay waa iska muuqataa safarkaas inuu yahay mid qolada loo tagayana aan waxba u wadin, kuwa laga tagayna aysan waxba ka sugayn.

Xildhibana Axmed Macallin Fiqi