Xildhibaan FIQI oo jawaab kulul ka bixiyey hadalkii gefka ahaa Boqor Buurmadow

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi oo sidoo kale Mudane ka tirsan xildhibaanada golaha shacabka ee waqtigoodu dhamaaday ayaa si adag u naqdiyey hadal uu Boqor Buurmadow ka sheegay munaasibad lagu soo dhaweynayay magaalada Muqdisho.

Boqor Cismaan Abuu Maxamuud (Buurmadow) ayaa markii u horeysay Muqdisho dhexdeeda ka shaaciyey inuu xarakada uga tacsiyadeeyay geeridii Axmed Godane, hogaamiyihii hore ee Al-Shabaab.

Waxa uu sheegay in xiligaas ay ka cabsadeen Odayaal dhaqameedkii lamidka ahaa inay ka hadlaan geerida Godane, balse asagu uu ka tacsiyadeeyay, maadama uu ahaa Nin ay tol yihiin oo reerka ka dhintay, sida uu hadalka u dhigay.

Fiqi oo daba socda hadalka Buurmadow ayaa sheegay in looga fadhiyo inuu diyaariyo magdhowgii dadkii kumanaanka ahaa ee uu Godane iyo xarakadiisa Shabaab ay laayeen intii ay gumaadka ku hayeen shacabka Soomaaliyeed.

“Boqor Buurmadow haddii uu ka samafalay dadkii Laascaanood sida aan wanaagsanayn looga soo tarxiilay, waxaa looga fadhiyaa in uu diyaariyo magdhowgii dadkii kumanaanka ahaa ee Godane iyo xarakadiisu ay laayeen!,” ayuu Fiqi ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

“Hadalka uu ka horsheegey dhibanayaashii Godane iyo xarakadiisa argagixisada ah ay ehelkoodii laayeen waxaa loo qaadan karaa ku digasho iyo in aysan boqorka u qiyaasnayn xajmiga kalimadaas ay leedahay iyo saamaynta xun ee ay ku reebeyso dadka ay dhibaataysay argagixisada iyo hogaamiyahooda uu naxariista u muujiyey.”

Sidoo kale waxa uu dalbaday in Boqor Buurmadow uu raali-gelin deg deg ah ka bixiyo hadalkaas, kaasi oo dib u damqaya boogaha uur ku taalada ee xarakada Shabaab ku reeben quluubta shacabka Soomaaliyeed.

“Boqorku hadalkaas waa inuu cudurdaar ka bixiyaa, iskumana qalanto sida loo maamuusay iyo boogaha uu damqiyey!”