Maxaa kasoo baxay kulankii Ra’iisul Wasaare Rooble iyo madax goboleedyada?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa shir guddoomiyay kulan ay habka fogaan aragga ku yeesheen Golaha Wadatashiga Qaranka oo diiradda lagu saaray daah-furnaanta doorashada iyo dardargelinteeda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa madaxda Golaha Wadatashiga ku boorriyay sida ay lagama maarmaan u tahay in la dhowro inay doorashadu noqoto mid daahfuran oo lagu qanci karo.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa madasha u gudbiyay walaaca iyo cabashooyinka la xiriira doorashada qaar ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska Rooble.

“Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyay dowlad-goboleedyada bilaabay doorashada Golaha Shacabka, isagoo ka codsaday kuwa harsan in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u bilaabaan,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sida uu shaaciyey xafiiska Rooble intii uu socday kulankaas Madaxweyneyaasha  Puntland, Jubaland iyo HirShabelle ayaa  caddeeyay in ay maalmaha soo socda bilaabi doonaan doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka ee baarlamaanka 11-aad.

Rooble ayaa shalay qaabilay golaha midowga musharaxiinta oo aad uga walaacsan boobka doorashada ee ka socda qaar ka mid ah gobollada dalka, waxayna mucaaradku cadeeyeen in Rooble ay siiyeen fursad uu kula hadlo madax goboleedyada, si wax looga bedelo hanaanka loo maamulayo doorashada, mucaaradku waxay shalay sheegeen in warbixin ay ka sugayaan golaha wadatashiga qaran oo ka kooban Ra’iisul Wasaare Rooble iyo madax goboleedyada.