Xildhibaan Fiqi: Teendhada Afisyoone sideedii hore looguma noqon karo!

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga ee maamulka Galmudug, Axmed Macalin Fiqi oo sidoo kale ah mudane ka tirsan golaha shacabka ayaa su’aal ka keenay qaabka ay madaxda dalka ugu laabanayaan wada-hadaladii teendhada Afisyooni.

Wasiir Fiqi ayaa sheegay in marnaba aan la aqbali karin in sidii hore loogu noqdo teendhada, maadama uu ku doodayo in hogaanka shirkaas uu ka madax-banaanado “cid dan gaar ah la leh doorashada”.

Qoraal uu ku baahiyey bartiisa Facebook ayuu ku sheegay in loo baahan yahay in talada doorashada iyo shirka teendhada Afisyooni ay musharaxiinta u taagan tartanka doorashada ay u jirsadaan in is le’eg.

Inkasta oo uu carabaabin Fiqi cida uu ka digayo inay qabato hogaanka shirka Afisyooni, ayaa haddana waxaa la fahamsan yahay inuu kasoo horjeedo in madaxweynaha waqtigiisu dhamaado uu door hogaamineed ku yeesho wada-hadalada lagu wado inay dib u bilowdaan ee doorashada.

Farmaajo ayaa dhowr jeer lagu eedeyay inuu bur-buriyay shirar ay iskugu imaadeen madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamulada dalka, kaasi oo uu ugu dambeeyay midkii ka dhacay teendhada Afisyooni, oo ay dowladda shaacisay inuu fashilmay, ayada oo qoddobada qaar is-afgarad horudhac ah laga gaaray.

Hoos ka aqriso qoraalka Fiqi

Taladii dalku waxay la mid noqotay miino gacanta ugu jirta cunug yar oo kale, kaasoo si joogto ah ugu cayaaraya, Marka uu doonana korkeeda garaacaya.

Cunuga yari aqoontiisa iyo caqligiisuba ma siinayaan in uu garto waxa uu ku cayaarayo ama garaacayo in ay naftiisa iyo inta ka ag-dhowba ay galaafanayso.

Qarniga 21aad, dal 30 sano dagaallo ku jiray, dawladnimadiisu ay kabkab tahay, nidaamkiisa siyaasadda lagu qeybsado qabiil iyo 4.5, ninka leh taladii ayaan xoogayaa, wixii iga horyimaadana waa xasuuqayaa waxba kama duwana cunugaas yar ee halista gacmaha ugu jirta aan ka war-hayn.

Talada doorashada iyo teendhadii Afisyoone sideedii hore looguma noqon karo, hogaanka shirkaas waa in uu qabtaa cid aan doorashada dan gaar ka lahayn, musharixiintuna masaafo is le’eg ay u jirsadaan!.