Xog: Qatar oo ergey gaar ah usoo direysa Muqdisho, damacsan qorshe cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Qatar ayaa dhawaan usoo direysa dalka Soomaaliya ergey gaar ah, kaasi oo qeyb ka noqonaya dadaallada miiska wada-hadalka la iskugu keenayo madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday iyo saamileyda siyaasadda, sida ay Caasimada Online u sheegen ilo xog-ogaal ah.

Sida ay Caasimada Online kasoo xigatay ilo diblomaasiyadeed, ergeyga cusub ee Qatar usoo direyso Soomaaliya, ayaa lagu magacaaba Dr. Mutlaq bin Majed al-Qahtani, waana ninkii hogaaminayay wada-hadalladii uu Mareykanka la galay Taliban.

Ergeyga cusub, oo lasoo magacaabayo billowga toddobaadka cusub, ayaa waxa uu kulmo kala duwan la qaadan doona dhammaan qaybaha kala duwan ee isku haya siyaasadda Soomaaliya iyo wakiilada beesha caalamka.

Qatar oo inta badan lagu eedeyo inay xiriir hoose la leedahay madaxda waqtigoodu dhamaaday ee dowladda federaalka ayaa waxa la fahamsan yahay inay tallaabadan ku muujineyso inay dhex-dhexaad uga tahay xiisada dalka.

Dadka fallanqeeya siyaasadda ayaa rumeysan in tallaabada Qatar ay qaaday ay ka dhigan tahay inay hagaajiso sumcaddeeda Soomaaliya, ayna rumeysan tahay in maalmihii Farmaajo ee xukunka Soomaaliya ay gebo-gebo yihiin, si ay ula macaamisho cid kasta oo xukunka ka beddesha.

Todobaadkii hore un bay aheyd, markii wasaaradda arrimaha dibada ee Qatar qoraal ku beenisay eedeymo la xiriiriyey “inay lacago boorso lagu qaado soo mariso taliyaha Nabad-Sugidda, Fahad Yaasin”.

Qoraalkaas ayaa waxay Qatar ku sheegtay inay jirto lacag dhan $20 Milyan oo sanadkii tegay ay ku taageertay miisaaniyada dowladda, waxayna hoosta ka xariiqday inaysan jirin lacag madow oo ay geliso Soomaaliya.

“Qatar waxay door wax dhisid ah ka ciyaarta Soomaaliya, taasi oo aan uga gol leenahay in aan ku caawino madax-banaanida, degenaanshaha iyo horumarinta Soomaaliya. Dadaalada Qatar iyo mowqifkeedu wuxuu lamid yahay midka QM iyo saaxiibada kale ee Beesha Caalamka,” ayaa lagu yiri qoraalka Qatar.

Dowladda Qatar oo la rumaysnaa inay aheyd maalgeliyaha dowladda Farmaajo tan iyo 2017, iyadoo bixisay kharashka howlgallada ciidan iyo siyaasadeed, ayaa hadda doonaysa inay beesha caalamka iyo mucaaradka u muujiso inaysan taageero gaar ah u haynin Farmaajo oo muddo xileedkiisu dhamaaday.