Gaalkacyo (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ayaa lagu iibinayaa fiisooyin deeq waxbarasho oo dowladda Masar ugu talagalay ardayda Soomaaliyeed. deeqdaan waxbarasho ayaa waxaa loo qeybsaday qaab gobol, iyadoo gobol walba xildhibaanka madala u qaadayay tirada deeqda waxbarasho ee kusoo aada gobol walba.
Arday nagala soo xiriirtay magaalada Gaalkacyo iyo Garoowe ayaa waxay cabasho ka muujiyeen Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka federaalka Somalia ee laga soo doorto Puntland, gaar ahaan magaalada Gaalkacyo, waxayna ku eedeeyeen xildhibaan Saleebaan Maxamuud Xaashi in beesha uu ka dhashay ee Cumar Maxamuud ee Majeerteen usoo gudbiyay deeq waxbarasho oo dhan toban arday oo uu wasaaradda waxbarashada kasoo qaatay, isagoona beeshiisa uu ka dalbaday inay keenaan tobankaasi arday, hase ahaatee markii loo gudbiyay ayuu wuxuu ka qaatay seddax arday, todobadii kalena la sheegay inuu ka iibsaday dad kale oo Muqdisho ku sugan.
Ardaydii todobada aheyd ee xildhibaanka u gudbiyay shahaadooyinkooda iyo baasabooradooda ayaa tallaabada uu ku dhaqaaqay xildhibaanka madala ka qaaday niyad jab iyo qarash fara badan oo ka baxay, dib danbena uusan ula soo xiriirin, marii ay wacaana uu ka dansaday taleefanada.
Xildhibaan Saleebaan ayaa markii uu iibsaday u dhoofay Xajka si uu usoo xajiyo, waxayna ardaydaasi isweydiinayaan aqbalka xajkaasi iyo nooca uu yahay maadaama sifo sharci ah uusan kusoo xajin xildhibaanka kuna xadgudbay dadkii iyo deegaankii uu madalayay.
Dhanka kale, waxagaradkii iyo odayaashii qeybta ka ahaa xubnihii 52 cod uu kusoo baxay siiyay ayaa wada dacwo ka dhan ah xildhibaanka iyagoo maraya sifo sharci ah, una gudbinaaya dacwadooda guddiga waxbarashada baarlamaanka ilaa heer madaxweyne.
Dhanka kale, xildhibaano iyo wasaaradda waxbarashada dowladda federaalka ayaa muqalasiin ka iibinaya deeqaha waxbarasho ee dowladda ka heshay Masar.
Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
[email protected]

