Kadib go’aankii maxkamada sare ee Kenya, maxay tahay tallaabada xigta?

Go’aankii Maxkamadda Sare ee Kenya ay waxba kama jiraanka kaga soo qaadday natiijada doorashadii madaxtinimada ayaa ka dhigan in axsaabta siyaasadda ay markale dib ugu laabtaan olole doorasho kahor doorashada ku celiska ah.

Go’aanka Maxkamadda Sare oo aan horay uga dhicin qaaradda Afrika ayaa muujinaya madax banaanida waaxda garsoorka iyo sida ay uga go’an tahay in ay wajahaan murranada ka dhashay doorashada.

Balse marka dhinaca kale laga eego, waxay dadka Kenyanka ku abuureysaa walaac horleh oo ka dhasha natiijada doorashada.

Kenya waxaa toban sano ka hor ka dhacay qalalaaso siyaasadeed, ka dib markii lagu murmay doorashadii 2007-da oo ay ku dhinteen dad ka badan kun qof.

Hogaamiyaha mucaaradka ee dalka Kenya, Raila Odinga ayaa taageerayaashiisa kula hadlay xaafada Mathare laba maalmood ka dib markii la shaaciyay natiijada doorashada, waxayna dad badan isha ku hayeen tallabada xigta ee uu ku dhaqaaqi doono.

Waxay dad badan neefta ka soo booday markii dadka ay u hogaansameen baaqiisi ahaa in dadka ay guriyahooda ku nagadaan.

Odinga waxaa uu u muuqday qof ay ka go’antahay in uu sii wado dagaalka uu ugu jiro in mar afaraad uu u tartamo xilka, dad badan se waxaa ay rumesnayeen in ay tahay fursadiisii ugu danbaysay ee uu Odinga ugu tartamo xilka madaxtinimada.

Raila Odinga ayaa doorashadii dhacday 8-dii bishii August ka dib waxaa uu go’aansaday in uu maxkamad aado, taasi oo yareysay walaaci laga qabay in dalka uu faraha la galo rabshado.

Waaxse dadka qaar ay aaminsanayeen amba ay ka shakisnayeen in faragalin ,cagajuglayn iyo khiyaano ay hareesay doorashada, balse guushii uu gaaray Kenyatta waxaa qabyo tiri lahaa haddii maxkmadda ay taageeri laheyd dib u soo doorashadiisa.

Haatan se xaalku waxaa uu ku soo idlaaday in dib loogu laabto sanaadiiqda codbixinta.

Mucaaradka ayaa doorashada ka hor xilligii iyo ka dib ba waxay cabashi ka muujiyeen in isbaheysiga Jubille uu damacsanyahay in uu ku shubto doorashada, balse eedeeyntii ma noqon mid muuqata.

Hasayeeshee go’aanka isbahaysiga mucaaradka ee NASA ee ahaa in ay diirada saaraan cadaalada ayaa noqday mid mira dhal ah.

Dad badan na waxay rumesanyahay in waaxda cadaalada ee kenya ay ka soo muuqatay go’aan taariikhi ah.

Sababaha loo cuskaday guddoonka taariikhiga ah ee daaqada looga tuuray natiijadii doorasahada madaxwaynanimada ayaa soo bixi doona marka la soo saaro gudoonka oo faahfaahsan muddo saddex todobaad gudahood ah.

Garsooraha maxkamadda sare, David Maraga ayaa markii uu ku dhawaaqay go’aanka maxkamadda xusay in wax dambi ah aan lagu helin Uhuru Kenyatta, balse cilladu ay ka timid geedi socodka codeynta.

Sharciyan waxaa loo baahnaa in nuqulada foomamka goobaha codaynta oo ka badanaa 40,000 iyaga oo saxiixan dib loogu soo celiyo xarunta dhexe ee tirinta codadka.

Warqadaha loo yaqaano 34-A ayaa ah kuwa cadeynaya sax ahaanshaha natiijada looga dhawaaqay heer degaan guud ahaan dalka.

Balse markii natiijada lagu dhawaaqay ayaa waxa soo baxday eedeeyn ahayd in 11,000 oo warqadaha guddiga doorashada la waayay, waxaana laga yabaa in arrintaasi ay qeyb ka tahay waxyaabaha ay tixraacday maxkamada.

Waxaa adkayd in waqtiga kooban oo ay maxkamada haysatay lagu xaqiijiyo walaaca mucaaradka. Afarta garsoore ee riday guddoonka maxkamadda sare waxaa ay rumaysnaayeen in ay jirtay sabab loogu noqdo doorashada madaxtinimada, taasi oo fursad dahabi u ah mucaaradka Kenya.

Maxay tahay tallaabada xigta?

Guddiga doorashada iyo xuduudaha Kenya ee (IEBC) waxaa ay shegeen inay diyaar u yihiin , kana go’antahay in muddo 2 bilood gudahood ah ay ku qabtaan doorasho , walow ay jirto walaac laga qabo in guddiga doorashada ay qaban karaan doorasho lagu kalsoonaan karo.

Hogaamiyaha isbahaysiga mucaaradka ee NASA ayaa dalbaday in xabsiga loo taxaabo qaar kamid ah saraakiisha guddiga doorashada, taasi oo dib u dhac iyo halis galin karta guud ahaan geedi socodka doorasho cusub oo al qabto.

Geedi socodka lagu soo xulanayo xubno cusub oo ah guddi doorasho ayaa qaadan karta bilooyiin, waxaana taasi ay Kenya u horseedi kartaa dhibaato dastuuri ah.

Madaxwayne Kenyatta oo xilka madaxtinimada hayay shanti sanno ee la soo dhaafay ayaa sheegay in uu ixtiraamayo go’aanka maxkamada ,balse uusan ku qanacsaneyn go’aanka maxkmadda. Waxaan uu ku baaqay in nabadda laga shaqeeyo.

Waxaana hadda laga dhowrsugayaa qaabka ay doorashadu kusoo idlaato, walow aysan kala cadeyn sida xaalka uu noqon doono iyo cida doorashada ku adkaan doonto.

Suuqyada saamiyada ee dalka Kenya oo sabeynaya iyo shilinka dalka oo sii liicaya waxaa ay muujineysa sida maalgashatada aysan ugu qanacsaneyn qaabka ay wax u socdaan.

Waxaana hubaal la’aantani ay noqon doontaa mid taagan, ilaa iyo inta doorashada ay ka soo idlaaneyso.