Warar dheeraad ah oo laga helayo qarax ka dhacay magaalada Boosaaso

Boosaaso (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa Qarax habeenimadii xalay ka dhacay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Qaraxa oo ahaa Bam gacmeedyo ayaa waxaa lagu weeraray Kaalin Shidaal oo ku taalla magaalada Boosaaso, xili halkaa ay aheyd mid mashquul badan, isla markaana ay feelal dhaadheer ugu jireen gaadiid.

Qaraxa lagu weeraray Kaalinta Shidaalka ee lagu magacaabo National ayaa waxaa ka dhashay khasaaro kala duwan, iyadoo qadar un kadib ay halkaa gaareen ciidamada amaanka.

Dadka ay waxyeeladu soo gaartay ayaa waxaa u badnaa dad shacab ah kuwaa oo intooda badan ahaa kuwo isticmaalaayay wadada.

Gaadiidka ambalaasta ayaa la arkaayay iyagoo halkaa ka qaadaya dad ay soo gaaren waxyeelo, kuwaa oo la geeyay goobaha caafimaad ee magaalada Boosaaso.

Sidoo kale, waxaa goobta Qaraxa lagu qabtay dhowr qof oo lala xiriirinaayo Qaraxa kuwaa oo loola ruqaansaday dhanka Saldhiga weyn ee magaalada Boosaaso.

Maamulka Puntland ayaan weli ka hadal Qaraxa, waxaana xusid mudan in Qaraxa uu dabo socdo Qarax maalin ka hor ka dhacay deegaan Af urur.

Caasimada Online
Xafiiska Boosaaso
Caasimada@live.com