Xildhibaan ka runsheegay cida ka danbeysa Mooshinka & Qaabka uu kusoo gaaray heerkaan

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa weli sii xoogeysanaaya khilaaf Siyaasadeedka ka dhashay Mooshinka ay Xildhibanada baarlamaanka ka gudbiyeen Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia.

Khilaafka ugu xoogan ee ka dhashay Mooshinka ayaa ka dhextaagan Ra’isul wasaare Kheyre, Guddoomiye Jawaari iyo Xildhibaanada baarlamaanka oo dhinac ah.

Mooshinka oo khilaafka ka dhashay uu yahay mid aad u sareeya, ayaa waxaa ku kala aragti duwan Xildhibaanada oo ku kala qeybsamay wadada loo maray mooshinka.

Xildhibaanada qaar ayaa qaba in Mooshinka ay ka danbeyso Xukuumada Somalia oo iyadu dooneysa inay la imaado Guddoomiye cusub oo la doonaayo in lagu bedelo Jawaari.

Xildhibaanada garabka kale ayaa qaba in mooshinka uusan khuseyn Xukuumada, balse ay ka danbeysay dowlada Imaaraadka Carabta, kaa oo lagu badbaadinaayo shirkada DP World oo dhawaan laga diiday inay ku shaqeyso heshiiska Dekadda Berbera.

Xildhibaan Khaliif Cabdi Cumar oo ah mudane ka tirsan Golaha shacabka oo wareysi siinaayay Idaacada Knn ee magaalada Muqdisho, ayaa kamid ah Xildhibaanada aaminsan in Mooshinka ay ka danbeyso shirkada WP World ee laga leeyahay dalka Imaaraadka carabta.

Xildhibaan Khaliif Cabdi, waxaa uu sheegay in shirkadda Dp Wolrd ee 12-kii bishan baarlamaanka kasoo saaray xeer dalka looga mamnuucayo ay tahay tan u sababta ah Mooshinka isla markaana ka dambeysay Mooshinka.

Waxa uu Xildhibaanka sheegay in Dp World ay gadaal ka riixeyso mooshinka laga keenay Gudoomiye Jawari sidoo kalena ay ka dambeyso ciidanka la geeyay xarunta golaha Shacabka.

‘’Waxaan qirayaa in Mooshinka ay ka danbeyso shirkada DP World ee imaaraadka, waxaanu la socnaa qaabka ay mooshinka u dajisay iyo sida ay u agaasimeysay in ciidamo la geeyo xarunta Golaha shacabka’’

‘’Mooshinkaan waxa uu kasoo bilowday Imaaraadka, waxa uuna kusoo dhammaan doonaa Imaaraadka, waxaana qabaa in si dhab ah loo wajaho xiisada ka dhalatay Mooshinka’’

Sidoo kale, Xildhibaan Khaliif Cabdi ayaa sheegay in dowlada Imaaraadka carabta iyo kuwa la shaqeeya ay halis muuqata ku yihiin Qaranimada Somalia, waxa uuna cod dheer ku sheegay in lala imaado isla xisaabtan.

Geesta kale, waxa uu Xildhibaan Khaliif Cabdi ku baaqay in laga runsheego aasaaska Mooshinka iyo cida ka danbeyso, si loo gaaro xal degdeg ah.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com