Axmed Fiqi oo shaaciyay qorsho cusub oo ay ku heshiiyeen Xildhibaanada baarlamaanka (Muxuu yahay)

Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo kamid ah mudanayaasha baarlamaanka Somalia, ayaa mar kale ka hadlay khilaafka ka dhashay Mooshinka laga soo gudbiyay Guddoomiye Jawaari.

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi, oo khilaafkaan uga hadlay qoraal kooban oo uu kusoo daabacay bartiisa Facebooka, ayaa sheegay in ahmiyada koowaad ay siin doonaan badbaadinta baarlamaanka.

Fiqi, waxa uu qoraalkiisa ku sheegay in dhammaan Xildhibaanada BFS ay isku raaceen sidii loo badbaadin lahaa baarlamaanka, oo uu ugala jeeday Guddoomiye Jawaari.

Axmed Fiqi, waxa uu tilmaamay in Xukuumada Somalia ay weerar kusoo qaaday baarlamaanka Somalia, waxa uuna qoraalkiisa ku muujiyay Fiqi inay ka go’an tahay sidii looga hortagi lahaa weerar ay Xukuumadda ku soo qaaday baarlamaanka.

Nuqul kamid ah qoraalka Fiqi ayaa ahaa “Xildhibaanada golaha shacabku aqlabiyadoodu waxey isku dhaarsaadeen in la badbaadiyo barlamaanka, lagana hortago weerarka sharci-darrada iyo awood sheegadka isugu jira ee xukuumaddu ku soo qaaday”

Waxa uu intaa raaciyay “Dhammaan isku dayadii iyo dadaaladii daba socday ee aan kala harka lahayn waa soo shiiqeen, waxaa dhiman oo qura shirka khamiislaha ah ama shir aan caadi ahayn oo golaha wasiiradu yeeshaan in lagu soo magacaabo guddoomiyaha golaha shacabka ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, madaxweynuhuna dikereeto ku soo saaro”

Geesta kale, Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka tirsan garabka mucaaradka dowlada Federaalka ayaa u muuqda in xiisadaani uu uga dhex faa’iideysanaayo qorshihiisa Siyaasadeed.

Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) Guddoomiyaha Baarlamaanka Golaha Shacabka ayaa xildhibaanada ka dalbaday in ay badbaadiyaan Baarlamaanka 10-aad, wuxuuna tilmaamay in Xukuumadda ay isku dayeyso in ay burburiso Golaha Shacabka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com