Prof Abdi Ismail Samatar oo arrin yaab badan ka sheegay Jawaari iyo inuusan Baarlamaanka laheyn guddiyo madax banaan…

Muqdisho (Caasimadda Online) – Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar oo ah Aqoonyahan Soomaaliyeed oo wax ka dhigo Jaamacadaha dalka Mareykanka ayaa sheegay arrin yaab badan oo ku saabsan Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Pro. Maxamed Sh. Cismaan jawaari.

Prof. Cabdi ayaa jawaari ku tilmaamay inuu yahay mid aan laheyn karti uu ku hoggaamiyo Baarlamaanka Soomaaliya isagoo soo qaatay arrin dhex martay labadooda.

Prof. Samatar oo la hadlay BBC qeybteeda Afka Soomaaliga ayaa sheegay inuu jawaari lasoo xiriiray markii la sameeyey Baarlamaanka isla markaasna uu usoo diray waraaq fasax qaadasho jaamacadeed ah.

Wuxuu sheegay in waraaqda Jaamacadda Fasaxa looga soo qaadayey ay ku qorneyd inuu kamid noqon doono guddi madax banaan oo ka tirsan Baarlamaanka  Soomaaliya.

Wuxuu sheegay markii uu Xamar imaaday inuu la kulmay Guddoomiye Jawaari isla markaasna ay iska wareysteen guddigaan uu kamid ah yahay ee looga soo fasax qaaday Jaamacadda.

Wuxuu tilmaamay inuu Jawaari u sheegay inuusan guddigaan aheyn mid madax banaan isla markaasna ay isaga la shaqeenayaan.

Prof-ka ayaa markaas sheegay inuu Jawaari waydiiyey sababta waraaqda loogu soo qoray inuu kamid noqon doono guddi madax banaan.

jawaari ayuu sheegay inuu ugu jawaabay in waraaqdaas ay aheyd kaliya mid been loogu sheegayey Jaamacadda balse ay isaga la shaqeyn doonaan oo aysan jirin wax la yiraahdo guddi Madax banaan oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Prof Samatar ayaa sheegay inuu ugu dambeyn Jawaari  u sheegay inaysan Jaamacadiisa been ku shaqeysan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com