Hore ma u dhacday in gudoomiye baarlamaan kalsoonida lagala laabto?

Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa Maalmahaan  jirto siyaasad cakiran oo u dhaxeyso Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sh. Cismaan Jawaari iyo Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Xildhibaano gaarayo ilaa 107 Xildhibaan ayaa mooshin ka gudbiyey guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliy Jawaari kadib markii lagu soo eedeeyey inuu ku xadgudbay  Dastuurka dalka u yaalo iyo xeer hoosaadka Baarlamaanka Soomaaliya.

Haddaba waxaa is waydiin mudan hadda ka hor ma dhacay in Guddoomiye Baarlamaanka Mooshin laga keeno isla markaasna lagu guuleysto.

Arrintaas waxay Soomaaliya ka dhacday hal mar, waxayna xilligaas aheyd 1965.

Dowladdii Kacaanka nama quseyso waayo ma jirin Gole Shacab oo rasmi ah, sidoo kale kuwii KMG ahaa kama hadli doono.

Dowladihii rayidka ahaa ayaan dul istaagi doonnaa bal in arinta maanta taagan ay soo martay iyo in kale…..

1965, waxaa codka kalsoonida lagala laabtay gudoomiye baarlamaanka ee waqtigaas Axmed Shiikh Cabsiye waxaana lagu bedelay Shiekh Mukhtaar oo ku xigeenkiisii ahaa.

Shiikh Mukhtaar waxaa la tartamay Allaha u naxariistee Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal – Ra’isulwasaarihii hore ee Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com