Xildhibaan ka tirsan BFS oo ku geeriyooday magaalada Muqdisho kadib markii uu..

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa goordhow magaalada Muqdisho ku geeriyooday mid kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Somalia.

Xildhibaanka geeriyooday ayaa waxaa lagu magacaabaa Xildhibaan Saciid Xasan Geeddi oo maalmihii ugu danbeeyay ku xanuunsanaa isbitaal Digfeer ee magaalada Muqdisho.

Xildhibaan Saciid Xasan Geeddi, ayaa lagu doortay magaalada Muqdisho, waxa uuna deegaan ahaan kasoo jeeda Gobolada Waqooyi ee Somalia.

Marxuumka ayaa xanuunka kusoo booday tan iyo markii loo doortay xilkaasi, waxaana xusid mudan inuusan ka qeybqaadan Doorashadii lagu soo saaray Madaxweyne Farmaajo.

Marxuumka ayaa lagu wadaa in maanta lagu aaso magaalada Muqdisho, iyadoo ay aaskiisa kasoo qeybgali doonaan Madaxda DFS.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com