29.9 C
Mogadishu
Monday, November 17, 2025

Xildhibaan ku geeriyooday magaalada Jowhar (Magaca + Sababta)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Jowhar (Caasimada Online)-Waxaa magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hir-Shabeelle ku geeriyooday mid kamid ah Xildhibaanada maamulka.

Marxuumka Xildhibaanka ahaa ayaa waxaa la oran jiray Aadan Macalin waxa uuna ku geeriyooday Isbitaal ku yaala Magaalada Jowhar.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabeelle ayaa xaqiijiyay geerida marxuumka, waxaana la sheegay inuu ahaa 55 Sano jir.

Waxaa maanta lagu wadaa in lagu aaso magaalada Jowhar, iyadoo ay ka qeybgali doonaan mas’uuliyiin ka tirsan labada Gole ee maamulka.

Xildhibaan Aadan waxaa qabtay Xaruun deg deg ahaa, waxaana ku dhegay naqaska, waxaana uu geeriyooday Markii Isbitaalka la geeyay.

Geesta kale, Aadan Macalin ayaa horay usoo noqday gudoomiye ku-xigeenkii Maaliyadda maamulka G/Hiiraan sanadkii 2012-kii.

Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News