30.9 C
Mogadishu
Sunday, May 10, 2026

Xildhibaan kashifay sir ka qarsooneyd shacabka

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Ducaale Geelle oo ka tirsan BFS ayaa si kulul uga hadlay, dadaalada ay DFS dalka ugu gacan galineyso Beesha Caalamka.

Axmed Ducaale Geelle, waxa uu sheegay in dalka uu iminka ka baxay gacanta Somalia, islamarkaana ay maamushaan dowlado shisheeye oo Villa Somalia u meeriya talaabooyinka ku waajibay.

Xildhibaanku waxa uu nasiib darro ku sheegay in Madaxdii la aaminay ay hadana ku dhiiranayaan inay galaan Musuq-maasuq, misna ay Siyaasada dalka gacanta u galshaan shisheeye usoo qalab qaatay kala geynta Soomaalida.

Xildhibaanka oo si qiiro leh uga hadlayay xaaladda adage ee dalku uu ku jiro ayaa waxa uu hoosta ka xariiqay in wax laga xumaado ay tahay in dalka mar kale wax lagu soo doorto hanaanka 4.5 , oo uu ku sheegay mid reer Galbeedka ay ku marin habaabinayaan jiritaanka Qaranka Soomaaliyeed.

Xaaf ayaa sidoo kale tilmaamay in dowlad goboleedyada ay ku dhisan yihiin Qaab qabiil , islamarkaana ay yihiin kuwa ka qeyb qaadanaya kala qoqobida umadda Soomaaliyeed.

Haddalka, Axmed Ducaale Geelle, ayaa imaanaya iyadoo inta badan xildhibaanada BFS, ay kasoo horjeedan qaabka ay Dowladu wax u wado.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News